Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force

Article 73

Qodobka 73aad

Original Somali text, quoted word for word

Xallinta khilaafaadka 1) Cabasho kasta oo ka timaadda dadka xaqa hawlgabka leh oo lagaga cabanayo go’aanka Hay’adda, waxa marka hore loo gudbinayaa guddida, iyada oo qoraal ah muddo soddon (30) maalmood gudahood, kaddib helitaanka go’aanka laga cabanayo. 2) Dadka cabanaya waa in loo sheegaa in ay xaq u leeyihiin in ay ka cawdaan (rafcaan ka qaataan) go’aan kasta oo ku saabsan codsigooda oo aanay ku qancin. 3) Qof kasta oo cabasho u gudbinaya guddidu, waa inuu sababeeyaa sababta uu go’aanka uga cabanayo, cabasho kasta oo bilaa sabab ahi ma yeelanayso tixgelin. 4) Guddidu cabashooyinka iyo rafcaannada loo soo gudbiyay way darsayaan, waxaanay ka soo saarayaan go’aan qoraal ah muddo soddon (30) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanta maalintii cabashada loo soo gudbiyay. 5) Qofka cabanaya waxa loo oggolaanayaa in uu ka qaybgalo kulanka dhagaysiga ee guddida, si uu u bixiyo xogo dheeraad ah haddii uu isagu sidaas codsado. 6) Haddii, sababaha cabashadu la’xidhiidho xaaladaha caafimaad ee qofka cabanaya, amaba haddii ay guddidu lagama maarmaan u aragto, waxa ay:- b. Ka dalban kartaa qofka cabanaya in uu baadhitaan caafimaad oo dheeraad ah soo maro ama t. Ka codsan kartaa hay’adda, in uu dib u eego codsiga qofka cabanaya, hubiyana qlumayntii iyo go’aankii hore. 7) Dadka cabanaya ee sababo la’xidhiidha xaaladdooda naafannimo aan awoodin in ay lyagu cabashadooda toos u gudbiyaan, waxa ay wakiilan karaan dad lyaga metela, hase yeeshee qofkaas waxa waajib ku ah in uu maro wixii qiimayn caafimaad ah ee looga baahdo.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-73

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
72Ask about this article74