Article 6
Qodobka 6aad
Original Somali text, quoted word for word
Xilka iyo Waajibaadka Guddida Xilka iyo waajibaadka Guddida sare ee maamulka Hay’adda Hawlgabka iyo Xagqsiinta Shaqaalaha Dawladda waxa ka mid ah: 1. In ay anisixiyaan siyaasadda iyo qorshayaasha Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Qaranka. 2. In ay dejiyaan xeer-nidaamiyayaasha, hagayaasha, tilmaamaha iyo habraacyada hay’adda ee lagama maarmaanka u ah fulinta tyo dhaqan galinta xeerkan. 5 en AG hANKA G Sore. 3. In ay ansixiyaan miisaaniyadda hay’adda, ka hor inta aan loo gudbin Wasaaradda Maaliyadda, si loogu daro miisaaniyadda qaranka. 4. In ay dejiyaan istiraatijiyadda guud iyo barnaamijyada lagu horumarinaayo Hay’adda. 5. In ay kala taliyaan Agaasimaha Guud, arrimaha maamul ee la’xidhiidha ballaadhinta iyo horumarinta adeegyada Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta. 6. In ay xaqiijiyaan in sanduuqu fuliyay waajibaadka shaqo, si waafaqsan xeerka iyo qorshaha hay’adda. 7. In ay Agaasimaha Guud ka dalbadaan inuu soo gudbiyo war-bixinnada waxqabadka iyo kuwa maaliyadeed saddexdii biloodba mar iyo mar kasta oo ay lagama maarmaan u arkaan. 8. In ay Madaxweynaha u gudbiyaan war-bixinaha iyo talooyinka muhiimka u ah horumarinta iyo taabbagalinta hay’adda. 9. In ay kormeeraan maamulka habka ururinta qaadhaanka iyo bixinta xuquuqda xeerku tilmaamay. 10. In ay go’aamiyaan raasamaalka, kharashaadka joogtada ah iyo xisaabta keydka ah ee Hay’adda Hawlgabka. 11.In ay guddoomaan, isla markaana ururiyaan qaadhaanka laga qaado shaqaalaha dawladda, oggolaadana haynta, maalgelinta, maamulka qaadhaanka iyo in la bixiyo xuquuqda hawlgab, si waafaqsan xeerkan. 12. In ay heshiis la galaan hay’adaha ama ururrada Somaliland iyo dibaddeedaba ah ee uu u arko munaasib iyo in ay wax ka tarayso gaadhista ujeeddooyinka loo aasaasay Hay’adda. 13. In ay bixiyaan tilmaamaha lagama maarmaanka ah ee ay u arkaan in lagu dhaqangalin karo xeerkan. 14, In ay ka qayb qaataan abaabulka dhaqaalaha loogu ururinayo Hay’adda. 15.In ay oggolaadaan taariikhaha bixinta xuquuqda hawlgabka, qaabka loo bixinayo iyo goobaha lagu bixinaayo. 16. In ay oggolaadaan habka, inta jeer iyo nidaamka tabarrucaadka iyo xogaha la xidhiidha loogu gudbinayo Hay’adda 17. In ay dib u eegaan, oggolaadana dakhliga Hay’adda Hawlgabka iyo kharashaadka, una gudbiyaan Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo leh oggolaanshaha kama dambaysta ah. 18. In ay dib u eegaan oggolaadana deeqaha Hay’adda iyo codsiyada kabka ah una gudbiyaan Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 19. In ay diyaariyaan oggolaadana qorshayaasha hoggaamineed ee hay’adda iyo siyaasadaha la xidhiidha barnaamijyada iyo adeegyada hay’adda. 20. In ay bixiyaan talooyinka iyo tilmaamaha kale ee sanduuqu u baahan yahay. 21. In ay la xisaabtamaan agaasimaha, kuna amraan soo gudbinta war-bixinaha maaliyadeed iyo waxqabad ee sannadlaha ah iyo mar kasta 00 loo baahdo war-bixin. IES SINGS Sie 2 ANAS 22. In ay xaqiijiyaan in sanduuqu gaadho ujeeddooyinkiisa, fuliyana waajibaadkiisa lyaga 0o ka duulaya mabaadii’da ka qayb galka, daahfurnaanta iyo isla’xisaabtanka. 23. Guddida Sare ee Hay’adda Hawlgabku waxa ay furayaan xisaabaadkan soo socda:- b, Xisaabta lagu shubo qaadhaanka shaqaalaha dawladdu ay sida billaha ah u bixiyaan. t. Xisaabta kharashaadka maamul ee joogtada ah ee lagu shubo miisaaniyadda Hay’adda Hawlgabka. J. Xisaabta hawlgabka laga bixiyo, si xeerkan waafaqsan. x. Xisaabta keydka.