Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 66aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Xuquuqda hay’adda ee aan la qaybinayn 1) Sanduuqu ma siinayo faa’iido hawlgab: b. Qof shaqaale ah oo weli shaqadii dawladda ku jira iyo t. Qofka kale toona ha noqoto deyn ahaan, horumarin ama wax la mid ah. 2) Iyada oo wixii qodobbo sharci ah ee jiraa sidooda ahaanayaan, xuquuqda hawlgab ee loo bixiyay si xeerkan waafaqsani noqon maayaan: - b. Qaar la dammaanad qaaday ama la wareejin karo, haddii aanay ahayn: - I. Deyn ay dawladdu leedahay ama II. Amar maxkamadeed oo amraya in bixinta lacago muddaysan oo la siiyo xaaska ama ilmaha qofka shaqaalaha ah ee xaqa hawlgabka, xaqa dhammaadka shaqada ama gunnada kale la siiyay. t. Mid lagu xidho bixinta lacag kasta oo la sheegto, sida ay doonto ha ahaatee. CUTUBKA SAGAALAAD QODOBBO KALA DUWAN

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-66
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
65Weydii qodobkan67