Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force
Article 63
Qodobka 63aad
Original Somali text, quoted word for word
Qofka shaqaalaha ah ama hawigabka ah ee la waayo: 1) Iyada oo ay sideeda ahaanayso wixii ka soo horjeeda ee xeer kale ku jiraa, haddii qofka shaqaalaha ah ama hawlgabka xaqa u leh la waayo, lana soo caddeeyo in aanay muddo saddex sanno ah war ka helin dadkii ay ahayd in ay xogtiisa helaan geeri iyo nolol, waxa laga soo qaadayaa in uu geeriyooday. 2) Haddu laga soo qaado in uu geeriyooday ama geeridiisa dhab ahaan loo xaqiijiyo, waxa la dabbaqayaa qodobka 57aad ee xeerkan.
Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-63