Article 60
Qodobka 60aad
Original Somali text, quoted word for word
Oggolaanshaha iyo bixinta xaga hawlgabka ama xaqa dhammaadka shaqada: 1) Sanduuqu waxa uu dejinayaa hannaanka oggolaanshaha codsiyada xaqsiinta iyo hawlgabka lagu dalbanayo, waxaanu codsiyada kaga jawaabayaa muddo soddon (30) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanta maalintii uu codsigu soo gaadhay. 2) Sanduuqu waxa uu codsan karaa xog dheeraad ah, waxaanu codsan karaa soddon (30) maalmood oo kale oo dheeraad ah oo ka bilaabma marka uu jawaabta codsiga helo. 3) Xaqa hawlgabka waxa la bixinayaa dhammaadka bisha ku xigta, bisha go’aanka laga gaadhay cosiga faa’lidada hawlgabka lagu codsaday. 4) Lacagta laguma bixinaayo caddaan (kaash) ee Bangiga dhexe ama bangi kale 00 sanduuqu xidhudh la leeyahay ayaa loogu shubayaa qofka. 5) ‘Taarukhda dhaqangalka xaqa hawlgabku waxa ay noqonaysaa taariikhda qofka hawlgabka ah ama dhaxlayaashiisu buuxiyo shuruudaha xeerkani tilmaamay.