Qodobka 5aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Qaabdhismeedka maamul ee hay’adda 1) Sanduuqu waxa uu yeelanayaa qaabdhismeedkan soo socda: b. Guddida sare ee maamulka hay’adda. t. Agaasimaha Guud ee Hay’adda. J. Waaxaha iyo shaqaalaha kale ee lagama maarmaanka u ah xil gudashadeeda. 2) Shaqaalaha sanduuqu waxa ay nogonayaan shaqaale dawladeed 00 loo qaato si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Dawladda. 3) Guddida Sare ee Maamulka Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Qaranku waxa ay ka koobnaanayaan xubnahan hoos ku xusan: - b. Wasiirka Wasaaradda Shaqagelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. t. Wasirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. J. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. x. Wasurka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. kh. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 4) Madaxweynaha ayaa digreeto ku magacaabaya xubnaha Guddida sare ee maamulka sanduuuqa. 5) Agaasimaha Guud ee hay’adda ayaa noqonaya xoghayaha guddida. 6) Guddidu waxa ay magacaabi karaan oo guddida ka mid nogon kara laba xubnood 00 aqoon ahaan kaalmeeya muddo ay guddidu cayinto, hase yeeshee xubnahaasi wax cod ah ku yeelan maayaan arrimaha guddidu go’aanka ka gaadhayso. 7) Xubnaha guddida, waxa ka reebban in ay guddoomaan hadyad, dhaqaale ama gunno ka timid hanti-maamule, ammaana-haye, maamulaha hay’adda ama adeeg-bixiye kale oo Hay’adda Hawlgabka si uun xidhiidh ula leh.