Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force

Article 59

Qodobka 59aad

Original Somali text, quoted word for word

1) Qofka shaqaale dawladeed ah ee hawlgabayaa waxa uu u soo gudbinayaa hay’adda, codsigiisa dalbashada xaqa hawlgab, isaga oo ugu soo gudbinaya sida iyo habka uu tilmaamo sanduuqu. 2) Qof kasta oo shaqaale dawladeed ahi waxa uu u soo gudbinayaa hay’adda xogta qoyskiisa sida xaaskiisa (ama xaasaskiisa) iyo carruurtiisa isaga Oo raacaya habraacyada hay’adda, si dadkaasi ay u helaan faa’iidada hawlgab, haddiu uu geeriyoodo. 3) Marka uu hawlgabo gofka shaqaalaha ahi, sanduuqu waxa uu dalbanayaa in loo soo gudbiyo xogta cusub ee dhammaan dhaxlayaasha. 4) Qofka shaqaalaha ama hawlgabka ahi wuu cusboonaysiin karaa xogaha qoyskiisa ee lagu sheegay faqradaha qodobkan, mar kasta oo xogtu is beddesho.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-59

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
58Ask about this article60