Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 57aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xaqa dhammaadka shaqada (xaqsiinta) 1. Qofka kasta oo shaqaale ah oo ugu yaraan 10 sanno isaga oo shageeynay gaadha da’da hawlgabku, waxa uu xaq u yeelanayaa in hal mar la wada siiyo xaqiisa hawlgabka. 2. Haddu, uu geeriyoodo qofka shaqaalaha ah ee ku xusan faqradda laad ee qodobkan (isaga oo aan wali la siin xaqiisii hawlgabka), waxa xaq u yeelanaya dhaxlayaasha uu ka tago marxuumku oo 75% heli doona xaqii uu marxuumkaasi ku lahaa dawladda. Xeer- nidaamiye gaar ah ayaana tilmaami doonaa iyo wixii xeer ah loo raaci doono.
Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-57