Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 56aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Dhimashada dhaxlaha ama luminta xaq u lahaanshaha xaga Hawlgabka: 1) Sanduuqu wuu ka joojinayaa xaqa hawlgabka dhaxlaha, haddii uu dhinto ama uu lumiyo xaq u lahaanshaha qaadashada xaqa hawlgabka ee uu dhaxalkeeda lahaa, si waafaqsan qodobbadan. 2) Marka ay dhacdo in la joojiyo xaqa hawlgab ee dhaxlaha, si waafaqsan faqradda laad ee qodobkan, baaqiga lacagta ah ee soo hadha waxa loo qaybinayaa dhaxlayaasha xaqa u leh. 28 SEE 5 $|\¢ Ve: Ds

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-56
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
55Weydii qodobkan57