Qodobka 55aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xaddiga lacageed ee xaga hawlgabka dhaxlaha/dhaxlayaasha 1) Wadarta guud ee xaqa hawlgabka dhaxlayaasha qof kasta oo shaqaale dawladeed ahi waxa uu nogonayaa bogolkiiba toddobaatan (70%) xaqa qofka dhintay, waxaana si siman loogu qaybinayaa dhammaan dhaxlayaasha xaqa u leh, si waafaqsan qodobbada xeerkan iyo shareecada Islaamka. 2) Haddii ay dhacdo in marxuumku ka tagay hal xaas wax ka badan, buuxinayana shuruudaha xeerkan, xaga hawlgabka waxa si siman loogu qaybinayaa dhammaan xaasaska nool. 3) Haddii, marxuumku ka tagay hal xaas oo keliya oo buuxinaysa shuruudaha xeerkan, carruur xaq u leh dhaxalkana ay u dhashay, xaqa hawlgabka waxa si siman loogu qaybinayaa xaaska iyo carruurta. 4) Haddii, marxuumku lahaa hal xaas oo keliya, wax carruur ahina aanay jirin, dhaxalka marxuumka waxa loo qaybinayaa, si waafaqsan shareecada Islaamka. 5) Haddii, marxuumka geeriyooday aanuu xaas ka tagin, laakiin uu carruur ka tagay, xaqa hawlgabka dhaxlayaasha waxa si siman loogu qaybinayaa carruurtaas, si waafaqsan shareecada Islaamka. 6) Haddu, marxuumku aanu xaas iyo carruur midna ka tagin, xaqa hawlgabka dhaxlayaasha lama bixinayo.