Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 54aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Agoonsiga dhaxlayaal dheeraad ah: 1) Sanduuqu waxa uu qoraal ku wargelinayaa dhaxlaha ama dhaxlayaasha xaqa hawlgabka natiijada codsigooda muddo soddon (30) maalmood gudahood ah. 27 — Sanh iKA Gy, 2) Iyada oo nuxurka faqradda laad sideeda ahaanayso, dhaxlayaasha dheeraadka ah ee qofka dhintay waxa ay haystaan muddo sannad ah oo ka bilaabanta taariikhda dhimashada waalidkood in ay ku soo gudbistaan codsigooda la’xidhiidha xagqa hawlgab ee dhaxlaha ama dhaxlayaasha. 3) Haddui, ay dhacdo in sanduuqu oggolaado codsi yaraynaya ama meeshaba ka saaraya xaqa hawlgabka dhaxlaha 00 hore loo siiyay dhaxle kale, sanduuqu dib ayuu u xisaabinayaa, waxaanu dhimayaa xaqa hawlgab ee la siiyay dhaxlaha ama dhaxlayaasha qofkaas shaqaalaha ah, sida loogu baahdo. Wixii lacag dheeraad ah ee la bixiyayna waxa loo magdhabayaa, si waafaqsan qodobbada xeerkan.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-54
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
53Weydii qodobkan55