Qodobka 53aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xaqa hawigab ee dhaxlayaasha shaqaalaha dawladeed ee dhintay: 1) Dadka xaqa u leh in ay helaan xagqa hawlgab ee qofka shaqaalaha ah ee geeriyooday waa xubnaha qoyskiisa ee noolaa markii uu shaqaaluhu geeriyooday. 2) Xaaska (rag iyo dumarba) laga geeriyooday waxa uu xaq u leeyahay/u leedahay in uu/ay helo/hesho xaqa hawlgabka ee dhaxlaha ama dhaxlayaasha, haddii ay is qabeen taariikhda dhimashada, isla markaana aanay is furin, si waafaqsan shareecada islaamka. 3) Haddii, ninku uu leeyahay xaasas badan, waxa loo raacayaa sida ku xusan faqradda 2aad. 4) Ilmaha marxuumka geeriyooday uu dhalay waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xaga hawlgabka waalidku, inta uu ka yar yahay da’da toddoba iyo toban (17) jir. 5) Ilmaha ka weyn da’da toddoba iyo toban (17) sanno jir, hase yeeshee ah naafo, lana soo caddeeyay in uu naafo ahaa markii waalidkii dhintay, waxa uu xaq u yeelanayaa xaqa hawlgabka dhaxlaha ama dhaxlayaasha, illaa inta uu ka bogsanayo naafannimadaas. Wasaaradda Caafimaadka ayaa si xeerkan waafaqsan u hubinaysa in naafannimadu ka joojinayso in uu shaqaysto, hase yeeshee ilmaha naafo noqda kaddib dhimashada waalidkii xaq u yeelan maayo in uu helo xaqa hawlgabka dhaxlaha ama dhaxlayaasha, haddii uu da’da toddoba iyo toban (17) sanno jir ka weynaa markii uu geeriyooday waalidkii. 6) Bisha uu ilmuhu gaadho da’da toddoba iyo toban (17) sanno jir ama ka bogsado naafannimada ayaa ah bisha ugu dambaysa ee la siinayo xagqa hawlgabka dhaxlayaasha ilmahaas. 7) Sanduuqu waxa uu siinayaa xagqa hawlgabka dhaxlayaasha ilmaha keliya, kaddib marka la xaqujiyo da’da ilmaha, lana soo gudbiyo shahaadadiisa dhalashada ama shahaadada qumaynta da’da ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadku. Marka da’da ilmaha la diiwaangaliyo waa kama dambays, cid wax ka beddeli kartaana ma jirto.