Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 52aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Xaqa hawigab ee qoysaska dadka la waayay lagana soo qaaday in ay dhinteen 1) Marka gof shaqaale dawladeed ah 00 xaq hawlgab qaadanayay la waayo, muddo ugu yaraan illaa saddex sanno ahna aan wax war ah laga helin, sidaana ay soo caddeeyeen hay’adaha awoodda u leh sanduuqu, waxa uu ka soo qaadayaa in qofkaasi dhintay, waxaanu sunayaa dhaxalaha ama dhaxlayaasha xaqa u leh xaqa hawlgab ee lagu sheegay qodobbada cutubkan. 2) Xaga hawlgabka shaqaalaha la waayay waxa laga bilaabayaa bishii ka dambaysay bishii la waayay ilaa taariikhda dhimashada dhaxalaha ama dhaxlayaasha xaqa u leh ama inta qofka shaqaalaha ah ee la waayay laga helayo. 3) Haddii soo laabashada gofka shaqaalaha ah ee maqnaa la soo caddeeyo, xaqii hawlgab ee dhaxlayaasha waa la joojinayaa, xaqa hawlgab ee ku salaysan da’da hawlgabka ayaa la bilaabayaa, waana in lagu muujiyo lacagta hawgab ee dhaxlayaasha la siiyay.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-52
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
51Weydii qodobkan53