Qodobka 51aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xuquuqda hawlgab ee dhaxlayaasha 1) Sanduuqu waxa uu siinayaa xuquuqda dhaxalka ah ee qofka hawlgabay dhaxalkiisa xaqa u leh ee uu ka tagay marxuumka hawlgabka lahaa. 2) Dhaxalaha ama dhaxlayaasha qofka hawlgabay ee dhintay waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan xaqil hawlgab ee uu qaadanayay marxuumku, inta aanuu dhiman. 3) Haddiu, xaqa hawlgabka loo kordhiyo sababo la’xidhiidha iswaafajinta maceeshadda, si waafaqsan xeerkan, xaqa dhaxalaha ama dhaxlayaasha isagana wuu la kordhayaa. 4) Dhaxalaha ama dhaxlayaasha xaqa u leh, xaqa hawlgabka ee gofka dhintay ee da’diisu leekayd ama ka weyneyd da’da lagu hawlgabo markii uu dhintay, waxa ay xaq u yeelanayaan xaqa hawlgab ee uu qaadan lahaa qofka shaqaalaha ah ee geeriyooday. 5) Haddii, shaqaale dawladeed oo aan gaadhin da’dii hawlgabka, welina shaqadii ku jiraa uu sababo la xidhiidha dhaawac ama xanuun shaqada ka soo gaadhay awgeed u geeriyoodo, dhaxalaha ama dhaxlayaashu waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan xaq hawlgab oo ku salaysan xaddiga lacageed ee uu marxuumku hawlgab u qaadan lahaa. 6) Haddu uu shaqaale dawladeed oo aan gaadhin da’dii hawlgabka, welina shaqadii ku jiraa uu sababo aan shaqada la xidhiidhin oo dabiici ah u geeriyoodo, dhaxalaha ama dhaxlayaashu waxa ay xaq u leeyihiin in ay helaan xaq hawlgab oo ku salaysan xaddiga lacageed ee uu marxuumku hawlgab u qaadan lahaa. 7) Dhaxalaha ama dhaxlayaasha leh xaqa shaqaale hore 00 geeriyooday, kaas oo aan hayn adeeg xaq hawlgab ka dhalanayo, xaqna u leh hawlgab dib loo dhigay wakhtiga dhimashada, waxa ay xaq u leeyihiin hawlgab ku salaysan xaqa hawlgab ee uu qaadan lahaa qofkaa shaqaalaha dawladeed ah ee geeriyooday. 8) Xaqa hawlgabka dhaxalaha ama dhaxlayaasha waxa la siinayaa oo keliya dadka xaqa u leh ee loo aqoonsaday, si waafaqsan xeerkan, shaqaalaha dawladda iyo dadka xaqa hawlgabka leh ee aan lahayn dhaxalka xeerku tilmaamay, cid kale uma codsan karaan in la siilyo xaqa hawlgab ee dhaxlayaasha. 9) Sinaba wadarta guud ee xaqa hawlgabka la siinayo dhaxalaha ama dhaxlayaasha xaqa u leh ee marxuumka shaqaalaha ah ee geeriyooday iyo dadka xaqa hawlgabka qaataa ugama badan karo bogolkuba toddobaatan (70%) xaqii hawlgab ee qofka xaqaas lahaa qaadanayay ka hor dhimashada ama xaqa hawlgab ee qofka shaqaalaha dawladda ah loo siinayo, si waafaqsan xeerkan.