Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 50aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Waajibka wargelinta: 1) Sanduuqu qoraal ayuu ku wargelinayaa uguna sheegayaa qofka shaqaalaha ah ee dalbaday xaqa naafada, natiijada codsigiisa sagaashan (90) maalmood gudahood oo ka bilaabmaya helitaanka codsiga. Muddadaas waa la kordhin karaa 00 waxa laga dhigi karaa bogol iyo siddeetan (180) maalmood, si hubin caafimaad oo dheeraad ah loo sameeyo, haddii ay sidaas codsato Wasaaradda Caafimaadku. 2) Qofka qaata xaqa hawlgabka naafadu, sida ugu dhakhsaha badan ayuu hay’adda ugu wargelinayaa, haddii isbeddel ku yimaaddo xaaladdiisa caafimaad, isbeddelkaasina uu saamaynayo xaqa naafada ee uu qaato. 3) Sanduuqu waxa uu shaqaalihiisa amar ku siin karaa, in ay fuliyaan baadhitaan lagu hubinaayo xaaladaha dadka qaata xaqa hawlgabka naafada, iyada 00 wax ogaysiis ah aan la siinin dadka ay khusayso. 4) Shaqaalaha hay’adda ee la amray, si waafaqsan faqradda 3aad ee qodobkan, waa in ay aqoonsiyadooda tusaan dadka ay baadhitaanka ku samaynayaan, wax xadgudub ahna aanay samayn. 5) Sanduuqu waxa uu dejinayaa habraacyo la’xidhiidha kormeerka dadka qaata xaqa hawlgabka naafada, si loo hubiyo in loo sii wado iyo in kale iyo in la hubiyo shaqo’abuur kale 00 loo samayn karo. 6) Dadka qaata xaqa hawlgabka naafada waxa waajib ku ah in ay maraan baadhitaannada caafimaad ee sanduuqu ka dalbado mar walba. 7) Didmo kasta 00 lagu diido codsiyada rasmiga ah ee sanduuqu ku codsanayo, in lagula socdo sii wadista xaqa hawlgabka naafadu, waxa uu keenayaa in la hakiyo xaqaas, hakintaasina way sii soconaysaa illaa baadhitaanka hubinta ah la dhammaystirayo. CUTUBKA TODDOBAAD XAQA HAWLGABKA EE DHAXLAYAASHA IYO XAQA DHAMMAADKA SHAQADA

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-50
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
49Weydii qodobkan51