Article 4
Qodobka 4aad
Original Somali text, quoted word for word
Xadka adeegsiga xeerka 1. Xeerkan waxa lagu dhaqayaa, isla markaana lagu dabbaqayaa dhammaan shaqaalaha dawladda ee lagu maamulo Xeerka Shaqaalaha Dawladda. 2. shaqaalaha ka hawlgala hay’adaha ee aan lagu dabbaqayn Xeerka Shaqaalaha Dawladda Xeer.Lr.97/2021, sida shaqaalaha Golayaasha Baarlamaanka, Bangiga Dhexe, Hantidhawraha Guud, hay’adaha dakhli soosaarka ee sida gaarka ah looga reebay Xeerka Shaqaalaha Dawladda iyo shaqaalaha dawladaha hoose. 3. Nidaamka hawlgabka shaqaalaha ku tilmaaman faqradda 2aad, diiwaangalinta xogtooda, qiuimayntooda, xaqiijintooda iyo hawlaha la’xidhiidha waxa lagu faahfaahinayaa xeer- nidaamiye gaar ah oo aan ka hor imanayn xeerkan. 4. Xeerkan lagu dhaqi maayo ciidamada, xubnaha kala duwan ee Madaxweynuhu magacaabay, marka laga reebo agaasimayaasha guud iyo xoghayayaasha fulinta ee dawladaha hoose iyo maamulka gobollada iyo qof kasta oo si ku meel gaadh ah uga hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda. CUTUBKA LABAAD AASAASKA HAY ADDA HAWLGABKA IYO XAQSIINTA SHAQAALAHA DAWLADDA