Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 49aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xaddiga iyo muddada xaga hawlgabka naafada: 1) Qofka shaqaalaha ah ee naafada ahi waxa uu xaq u leeyahay, in uu helo faa’iido hawlgab oo u dhiganta inti uu heli lahaa, haddii uu caafimaad qabo oo uu shaqada sii wadan lahaa, hawlgabkana ku bilaabi lahaa da’da hawlgabka. 2) Xaqa hawlgabka naafada waxa uu qofku helayaa inta uu nool yahay, haddii aanu shaqaaluhu ka soo kaban naafannimada.
Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-49