Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 48aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Baadhitaanka jidheed ama maskaxeed ee lagu go’aaminayo xaga hawlgabka naafada: 1) Sanduuqu waxa uu ka dalban karaa qofka naafannimada codsanayaa, in uu hor tago Wasaaradda Caafimaadka ama guddi caafimaad 00 kiiskiisa loo xilsaaray, si baadhitaan loogu sameeyo xaaladdiisa naafannimo mar kasta oo uu sanduuqu go’aansado sidaas. 2) Faqradda laad waxa kale oo lagu dabbaqayaa dadka hore u qaadanaya xaqa hawlgabka naafada ee naafannimadooda dib u eegis lagu samaynayo. 3) Qof kasta oo ka dhego adayga in uu maro baadhitaannada lagu sheegay faqradaha laad iyo Zaad ee qodobkan waxa laga joojinayaa hawlgabka naafada ee uu qaato, haddii aanu cudurdaar macquul ah keenin, guddiduna ku qancin.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-48
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
47Weydii qodobkan49