Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 46aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Dadka laxaadka beela 1) Haddii qgofku ka weyn yahay shan iyo toban (15) sanno, kana yar yahay da’dii hawlgabka, naafannimo awgeedna aanuu shaqo u qaban karin, waxa laga soo qaadayaa in uu naafo abadi ah yahay. No LES 2) Si loo caddeeyo xaaladda naafannimo, Wasaaradda Caafimaadka ayuu sanduuqu ka codsanayaa in ay caddayso naafannimada qofka. 3) Wasaaradda Caafimaadka ama guddida caafimaad ee loo saaray, waxa ay go’aaminayaan in naafannimadu keenayso in aanu gofkaasi shaqo uu mushahar ku qaato hadda qaban karin iyo in ay tahay naafannimo mustaqbalka ah. 4) Qofka la caddeeyo inuu naafo yahay, waxa uu arjiga dalabka hawlgabka naafada u soo gudbinayaa hay’adda muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanta taarukhda la caddeeyay in uu naafo yahay.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-46
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
45Weydii qodobkan47