Qodobka 44aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Go’aaminta adeegga xaqa hawlgabka leh 1) Adeegga ama shaqada qofka loo xisaabinayo xaqa hawlgabku, waxa uu noqonayaa mid uu hore u qabtay ama mustaqbalka ah. 2) Adeegga ama shaqada hore waxa loo xisaabinayaa muddadii uu shaqaynayay ee ka horraysay kowda bisha koowaad sannadkii 2002, iyada oo loo eegayo sannaddada uu shaqaynaayay, sida ku suxan lifaaga laad. 3) Adeegga ama shaqada hore ee diiwaangashan waxa loo xisaabinayaa muddadii uu shaqaynaayay laga soo soo bilaabo January 1-dii, 2002 illaa December 31-da, 2024. 4) Adeegga mustaqbalka waxa laga xisaabinayaa kowda bisha koowaad ee sannadka 2025, waxaana lagu salaynayaa ditwaanka qaadhaan ee shaqaalaha laga jaro iyo diiwaanka shaqo. 5) Hubinta adeegga xaga hawlgabka leh, xisaabinta xaqa hawlgabka, codsiga, habka lacag bixinta iyo muddada qorshayntaba waxa ka masuul ah Hay’adda.