Article 43
Qodobka 43aad
Original Somali text, quoted word for word
Iswaafajinta xaqa hawigabka iyo nolosha 1) Sanduuqu waxa uu iswaafajinayaa lacagaha la siiyo qofka hawlgabka ama dhaxlaha leh xaqa hawlgabka qofka geeriyooday b. Korodhka ku yimaadda celceliska billaha ah ee kharashaadka nolosha, taas oo ka bilaabmaysa kowda bisha January illaa 31 ka bisha December ee sannad kasta, sida uu go’aamiyo bangigu ama t. Korodhka celceliska mushaharka aasaasiga ah ee shaqaalaha dawladda ee sannad maaliyadeed kasta, sida ay go’aamiso Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu. 22 f LON /$/ a B/S ANE S ON“ 3 fete} 2) Sanduuqu waxa uu isku waafajinayaa iskuna fadhiisaniyaa xaqa hawlgabka iyo nolosha muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah, kaddib marka uu helo ogaysiiska kama danbeysta ah ee uu oggolaaday Bangiga Dhexe ee celceliska bilaha ee qiimaha maceeshadda iyo celceliska mushaharka shaqaalaha dawladda ee billaha ah, laguna fadhiisiyay meceeshadda. 3) Sanduuqu ku qiimeyn maayo xaqa hawlgab ee la siiyo hawlgabka iyo dhaxlaha qofka hawlgabka xaqa u leh ee geeriyooday xaaladihii hore. 4) Sanduuqu marna u_ yarayn maayo lacagaha hawlgabka, sababo la xidhiidha kala duwanaanshaha lacagta hawlgabka iyo duruufaha nololeed.