Article 42
Qodobka 42aad
Original Somali text, quoted word for word
Qiimaynta hawlgabka ee sababta hawlgabka xilliga hore ah 1) Qiimayn kasta oo halwgab, sanduuqu waxa uu xaqiijinayaa in khabiirku dib u qiimeeyo sababaha keenaya, in la yareeyo ama la kordhiyo xaqa hawlgabka, haddii loo baahdana waxa uu ku talinayaa, in wax ka beddel lagu sameeyo sinnaanta hawlgabka xilligiisa ka soo hor maray, xaqa hawlgabkana waxa loo xisaabinayaa, si waafaqsan xeerkan. 2) Haddii khabiirku ku taliyo wax ka beddelka sababaha kordhinta iyo yaraynta, si loo ilaaliyo sinnaanta xaqa hawlgabka, agaasimaha sanduuqu waa in uu 30 maalmood gudahood ku wargeliyo guddida oo isaguna Madaxweynaha ku wargeliyo.