Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force

Article 40

Qodobka 40aad

Original Somali text, quoted word for word

Qaaciidada hawlgabka ee da’da hawlgabka 1) Lacagta hawlgabka ee la siiyo shaqaalaha dawladda ee shaqeynaayay muddo toban (10) sanno ah ama ka badan ee gaadhay da’da hawlgabku, waxa ay helanayaan boqolkiiba hal dhibic lixdan iyo toddoba (1.67%) oo lagu dhuftay celceliska mushaharka aasaasiga ah ee sannadlaha ah ee uu qaatay shanti (5) sanno ee ugu danbeeyay. 2) Qofka shaqaale dawladeed ah ee shaqaynaayay muddo ka yar toban (10) sanno ee gaadhay da’da hawlgabka, waxa uu helayaa xaqa dhammaadka shaqada oo ah bil mushaharkeed oo ah mushaharka aasaasiga sannad kasta oo uu shaqeeyay, si waafaqsan qodobbada 5laad iyo 52aad ee xeerkan. 3) Iyadoo aan waxba loo dhimayn xaqa hawlgabka ee qofka shaqaalaha ah ee gaadhay da'da hawlgabka, xuquuqda hawlgabka ee ku xusan faqradda laad ee qodobkan lagu dabbaqi maayo qofka shaqaale dawladeed ah ee shaqada looga saaray ama looga eryay sababo anshax marineed, si waafaqsan xeerkan. Waxaanu xaqiisa ku waayi karaa oo kaliya marka ay danbigiisa xukunto maxkamad awood u leh.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-40

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
39Ask about this article41