Article 3
Qodobka 3aad
Original Somali text, quoted word for word
Ujeeddooyinka xeerka Ujeeddooyinka xeerkan waxa ka mid ah:- 1. In la dejiyo xeer jidaynaya xaga hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dawladda, isla markaana faahfaahinaya hannaanka hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dawladda. 2. In lagu nidaamiyo sidii ay u heli lahaayeen xaqa hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dawladda ee muddada dheer u soo shaqaynayay qaranka. 3. In la qeexo habraacyada hawlgabka, iyada oo la raacayo halbeegyada caalamiga ah ee hawlgabka. 4. In laabuuro qgorshe dhaqaale oo lagu aasaaso sanduuq lagu keydiyo qoondo maaliyadeed 00 loogu talagalo cududda shaqaale ee gaadha da’da ama marxaladda hawlgabka iyo saamiga ay dawladdu kaga qayb qaadanayso. 5. In lagu aasaaso isla markaana lagu qeexo doorka maamul ee Hay’adda Hawlgabka, taas 00 noqgonaysa mid u xilsaaran ururinta, xisaabinta, bixinta lacagaha hawlgabka, xaqsiinta iyo ka midho dhalinta Hay’adda Maalgashiga, si waafaqsan xeerarka dhaqangalka ah ee arrimahaas la’xidhiidha.