Qodobka 39aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xaqiijinta da’da shaqaalaha dawladda 1) Qof kasta oo shaqaale dawladeed loo qaato, waa in uu da’diisa caddeeyaa ka hor inta aanu shaqada bilaabin, waxaanu da’diisa ku caddayn karaa: - b. Shahaadada dhalashada. t. Kaadhka aqoonsiga qaranka ama j. Baasaaboor. 2) Haddu la caddayn kari waayo da’da qofka shaqaalaha ah, Hay’adda Hawlgabku waxa ay Wasaaradda Caafimaadka ka codsanaysaa, in ay qiimayn ku samayso da’da shaqaalahaas, bixisana shahaadada qiimaynta da’da. 3) Sanduuqu waxa uu aqoonsanayaa shahaadada qiimaynta da’da ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, si waafaqsan faqradda sare. 21 Ja KA Go /s os S15 dip. a/h Jo) W* Gener