Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force

Article 38

Qodobka 38aad

Original Somali text, quoted word for word

Dhammaadka shaqada iyo da’da hawigabka (Retirement Age) 1) Da’da hawlgabka shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waa Shan iyo lixdan (65) sanno, sidda ku xusan Xeerka Haya’dda Shaqaalaha Dawladda. 2) Qof kasta oo shaqaale dawladeed ah oo gaadhay da’da shan iyo lixdan (65), welina shaqada ku jira marka uu xeerkani dhaqan galay, waxa uu noqonayaa hawlgab, waxaanu dalbanayaa xaqiisa hawlgab ee muddadii uu soo shaqeeyay. 3) Shaqaalaha dawladda waxa u bannaan in ay shaqada ka fadhiistaan ka hor da’da hawlgabka, dalbadaanna hawlgab wakhtigiisa ka soo hor maray, si waafaqsan xeerkan. 4) Qofka ka fadhiistay shaqada dawladdu waxa uu xaq u leeyahay xaqa hawlgabka, marka uu shaqada ka fadhiisto, si waafaqsan xeerkan.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-38

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
37Ask about this article39