Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 36aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Qaadhaanka Hawigabka 1) Qof kasta oo shaqaale dawladeed ahi waxa uu Hay’adda Hawlgabka ku darayaa boqolkiiba shan (5%), kaas oo si bille ah mushaharkiisa aasaasiga ah looga jarayo. 2) Dawladdu waxa ay gof kasta oo shaqaale ah ugu daraysaa, si bille ah bogolkiiba Shan (596) mushaharkiisa aasaasiga ah Hay’adda Hawlgabka. 3) Lacagta 5% ah ee shaqaalaha iyo dawladdu ku bixinayaan Hay’adda Hawlgabka sida ku cad faqradaha laad iyo 2aad ee qodobkan, waxa laga bilaabayaa bisha ugu horraysa ee uu qofka shaqaalaha ahi shaqada bilaabo, waxaanay joogsanaysaa marka qofka shaqaalanimadiisu dhammaato, si xeerka waafaqsan. 4) Qofkasta oo shaqaale dawladeed ah oo shaqada ku sii jiray ka hor intaan xeerkani soo bixin, lacagta bogolkiiba shanta ah (5%) ee uu Hay’adda Hawlgabka ku darayo ee looga jarayo mushaharkusa sida billaha ah, waxay ka bilaabmaysaa marka uu xeerkani dhaqangalo, Wwaxaanay soconaysaa illaa inta ay shaqaalayntiisu joogsanayso ama ay dhammanayso, si xeerka waafaqsan. 5) Qaadhaanka dawladda iyo shaqaaluhu bixiyaan ee Hay’adda Hawlgabka, si kala gooni ah ayaa loogu keydinayaa xaashida mushaharka lagu bixiyo ee shaqaalaha, iyada oo nuqul la sinayo qofka shaqaalaha ah, luguna siinayo hannaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu dejisay. 6) Xogta loo keydiyay, si waafaqsan faqradda 4aad ee qodobkan waxa loo gudbinayaa Hay’adda Hawlgabka, si waafaqsan xeerkan. 7) Markasta oo dib u qiimayn lagu samaynayo Hay’adda Hawlgabka, xaddiga qaadhaanka ah ee shaqaalaha ama dawladdu bixinaysana dib ayaa loo qiimaynayaa, si loo xaqiijiyo in Hay’adda Hawlgabku dhaqaale ahaan u noqoto mid isku filan. 8) Haddi khabiirka qiimayntu ku taliyo in la kordhiyo xaddiga qaadhaanka, si loo ilaaliyo sinnaanta hawlgabka, agaasimuhu waa in uu ku wargeliyo guddida soddon (30) maalmood gudahood, kaddib helista warbixinta, guddiduna waa in ay soddon (30) maalmood gudahood ku wargeliso Madaxweynaha JSL. Isla markaana Madaxweynuhu soddon (30) maalmood gudahood digreeto kusoo saaro.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-36
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
35Weydii qodobkan37