Article 29
Qodobka 29aad
Original Somali text, quoted word for word
Maalgelinta xisaabta keydka 1) Guddidu waxa ay maalgelin ku samayn karaan dhaqaalaha dheeraadka ah ee lagu hayo xisaabta keydka ee loo furay, si waafaqsan xeerkan. 2) Guddidu waxa ay ku shubi karaan Bangiga Dhexe ama bangiyada kale ee ay go’aamiyaan, wixil lacag ah ee ay ku hayaan xisaabaadka loo furay, si xeerkan waafaqsan ee aan loogu baahnayn socodsiinta hawlaha maamul ee hay’adda. 3) Waxa shardi ah in aan wax lacag ah laga saarin xisaabaadka keydka ama lacagta dheeraadka ah haddii aanay guddidu oggolaan. 4) Xisaabaadka keydka waxa loo maalgalinayaa, si waafaqsan siyaasadda lacagaha keydsan ee uu dejiyay Hay’adda Hawlgabku. 5) Lacag kasta oo la go’aamiyo, in lagu shubo xisaabta keydka, waxa laga soo qaadayaa in ay qayb ka tahay xisaabta keydka ah ee hay’adda. SS allow \ % OE