Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 27aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Kharashaadka maamul ee hay’adda hawlgabka Guddidu waxa ay furi doonaan xisaab laga bixiyo: - 1. Deegaha bilowga ah ee ah lacagta ay bixisay dawladdu, kuna bixisay kharashaadka guddidu ku gashay fulinta awoodaheeda iyo shaqooyinka xeerkani siiyay. 2. Kharashaadka maamul ee sannadlaha ah ee lagu sheegay miisaaniyadda sannadlaha ah ee Hay’adda Hawlgabka. 3. Lacagaha kale ama hantida laga yaabo in la galo marka guddidu fulinayso awoodaheeda. 4, lacagaha laga helo ilaha kale ee dakhli loogu deeqay ama la siiyo Hay’adda.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-27
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
26Weydii qodobkan28