Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force

Article 25

Qodobka 25aad

Original Somali text, quoted word for word

Magacaabista iyo shaqooyinka ammaano-hayaha 1. Haddii, hantida hawlgabka lagu sameeyo maalgashi, si waafaqsan qodobka 18aad, Guddidu waxa ay magacaabayaan ammaano-hayaha Hay’adda. 2. Ammaano-hayuhu waxa uu: b. Masuul ka noqgonayaa hantida laga maalgeliyay hawlgabka, isaga oo ku haynaya hantida la’maageliyay nidaam aammin ah oo laysla waafaqay oo guddida sare kalsooni ku qabto. t. Xafidayaa buugaagta xisaabaadka iyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee hantida ama barnaamijyada sanduuqu maalgaliyay. j. Warbixin ka slinayaa agaasimaha iyo guddida sare arrimaha la’xidhiidha hantida uu hayo markasta oo guddidu go’aamiso, in warbixin laga keeno. x. Fulinayaa tirakoobka maalgashiga iyo xisaab celinaha maalgashiga ee uu u hayo Hay’adda Hawlgabka, waxaanu xog iyo macluumaad ka siinayaa agaasimaha bil walba iyo guddida ugu yaraan saddexdii biloodba mar. kh. Fulinayaa isaga oo guddida metelaya wixii uu iyaga wakul uga yahay ee la xidhiidha u codaynta arrimaha maalgashiga.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-25

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
24Ask about this article26