Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force

Article 24

Qodobka 24aad

Original Somali text, quoted word for word

Maalgashiga Hay’adda Hawigabka: 1. Hantida hawlgabka waxa maalgashi loogu samayn karaa, si feejignaan leh oo waafaqsan mabaadii’da hay’adda, waxaana maalgashigaa loo samaynayaa, si waafaqsan danta khaaska ah ee shaqaalaha dawladda iyo dadka hawlgabka xaqa u leh, isla markaana waafaqsan shuruudaha xeerkani tilmaamay. 2. Guddidu waxa ay soo saarayaan siyaasad maalgashi oo si habboon looga baaraandegey, waafaqsanna mabaadii’da xeerkan lagu sheegay, taas oo tilmaamaysa waxyaabahan: - b. Noocyada lacagaha la maalgalinayo, heerarka khatareed ee la aqbali karo ee lagu go’aamin karo hantida hawlgab ee la’maalgalinayo ama aan la maalgalinayn. t. Dhinacyada masuulka ka ah qaadashada go’aannada. j. Habraacyada loo marayo go’aan qaadashada. x. Habraacyada lagu ogaanayo, kormeerayo laguna maareynayo khataraha maalgashi ee suurtagalka ah. kh. Habka lagula soconayo in maamulayaasha sanduuqu u hoggaansameen siyaasadda maalgashi iyo d. Qodobbada kale ee guddidu u aragto lagama maarmaan. 2) Guddidu waxa ay u soo bandhigayaan siyaasadda maalgashiga hawlgabka shaqaalaha dawladda, si waafaqsan xeerarka dalka. 3) Guddidu waxa ay warbixinaha maalgashi la’wadaagayaan Madaxweynaha iyo ciddii kale ee ay guddidu u aragto lagama maarmaan. 4) Hantida hawlgabka waxa lagu maalgalinayaa hantidan soo socota:- b. Lacagaha deynta ah ee dawladda Somaliland ee la’dammaanad qaaday, isla markaana leh muddo sugan oo lagu soo celinayo. t. Lacagaha la dhigo Bangiga Dhexe. J. Hantida kale ee maaliyadeed ee lagu kala ganacsado suuqyada raasamaalka dhisan, lana qumeyn karo marka loo baahdo xisaab celinta maalgashi. 5) Lacagaha maxalliga ah ee la oggolyahay waxa ka mid ah: b. Xisaabaadka Bangiga Dhexe iyo lacagaha la dhigo Bangiga Dhexe ee ay hayaan hay’adaha rugqsadda ka haysta Bangiga Dhexe, kuwaas 00 aanay ku socon amarro fulineed ama aan liisankooda la xayirin. t. Damaanadaha ay dawladdu soo saartay illaa inta la dammaanad qaaday. 6) Lacagaha caalamiga ah ee la oggolyahay waa in lagu soo saaro awood caalami ah oo la aqoonsan yahay, lehna bangiyo nidaamsan, raasamaal ama suuqyo maaliyadeed oo kale, waxaana ka mid ah:- b. Lacagaha dhigaalka ah ee hay’adaha haysta qiimaynta ugu sarraysa, qiimaynta maalgashiga amaahda ah, qiimayntaas 00 ay sameeyeen ugu yaraan laba ka mid ah shirkadaha ugu sumcadda wanaagsan, shirakadaha caalamiga ah ee wax qiimeeya. t. Damaanadaha ay dawladuhu soo bandhigaan, illaa xadka dalka ay khusaysaa damaaanad qaadi karo, lacagaha deynta ah iyo soo saaruhuba haystaan qiimaynta lagu xusay xarafka sare. J. Damaanadaha ka diiwaangashan jaangooyaha suuqyada raasamaalka ee u furan dadweynaha ama sarrifka suuqa la aqoonsan yahay oo ay shardi tahay in jaangooyaha suuqyada raasmaalka ee uu khuseeyaa kormeero. x. Lacagaha maalgashi ee la wada leeyahay waxa shardi ah, in uu oggolaado jaangooyaha habboon ee la aasaasay. 7) Hantida hawlgabka laguma maalgashan karo hantidan soo socta: b. Damaanadaha aan ku jirin liiska sarrifka suugqa ama aan si guud looga ganacsan. t. Hantida aan la ubin, la tibin karin ama aanu xeer si kale u reebin. j. Hantida maguurtada ah. x. Hantida muuqata ee aan ku jirin suuqyada sugan ee aan qiimaheeda la ogayn, sida alaabta qadiimiga ah, shaqada farshaxanka, lacagta qaddaadiicda ah iyo baabuurta. eis RAST NO aL kh. Hanti kasta ama dammaanad kasta oo uu bixiyo guddida, agaasimaha, ammaano- hayaha ama hay’ado uu xidhudh ka dhaxeeyo ama qaraabadooda iyo d. Wixi hanti kale ah ee uu Bangiga Dhexe sheego in aan la maalgelin karin. 8) Hantida hawlgabka ma ubsan karaan, lagamana tibin karo xubnaha guddida, agaasimaha, amaano-hayaha ama hay’adaha ay xidhidhka la’leeyihiin iyaga ama qoysaskoodu.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-24

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
23Ask about this article25