Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force

Article 23

Qodobka 23aad

Original Somali text, quoted word for word

Xilka iyo waajibaadka agaasimaha guud ee hay’adda: 1) Xilka iyo waajibaadka shaqo ee Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawlgabka waxa mid ah: b. Waa madaxa fulinta ee masuulka ka ah hawlaha maalinlaha ah ee Hay’adda Hawlgabka iyo Xagsiinta, waana masuulka ugu sarreeya maaraynta hawl- maalmeedka hay’adda. t. Waxa uu matalaa kuna hadlaa magaca Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta, sidoo kalana waxa uu cid u igman karaa ku hadalka magaca hay’adda. j. Waxa uu gorsheeyaa, kormeeraa isla markaana dabagalaa shaqooyinka hay’adda, si waafaqsan siyaasadda xukuumadda iyo gorshaha hay’adda. x. Waxa uu diyaartyaa, isla markaana soo bandhigaa qorshayaasha iyo barnaamiyada horumarineed ee hay’adda. kh. Waxa uu kormeeraa isla markaana dabagala shaqooyinka waaxaha iyo qaybaha xafiliska hay’adda. d. Waxa uu masuul ka yahay ururinta qaadhaanka hawlgabka ee laga qaadayo dawladda iyo shaqaalaha dawladda. r. Waxa uu ku baraarujinayaa shaqaalaha dawladda bixinta qaadhaanka billaha ah ee laga jaro. s. Waxa uu ilaalinayaa ditwaannada adeegyada hawlgabka, waxaanu xisaabinayaa adeegyadii hore iyo kuwa mustaqbalka, si xeerka waafaqsan. R/S EX. 2, sh. Waxa uu noqonayaa xoghaynta guddida sare ee maamulka, hase yeeshee cod ma laha dh. Waxa uu bixinayaa taageerada adeeg ee ay u baahdaan shaqaalaha dawladda, hawlgabka, dhaxlaha dhaxalka hawlgabka leh, adeegyadaas 00 ay ku jiraan kuwa ku saabsan helidda diiwaannada qaadhaanka iyo adeegyada hawlgabka. c. Waxa uu guddoominayaa shirarka shaqaalaha hay’adda xuquuqda hawlgabka, $1 waafaqsan qodobbada xeerkan. g. Waxa uu ilaalinayaa xisaabaadka maaliyadeed ee Hay’adda Hawlgabka. f. Waxa uu diyaarinayaa warbixinaha sannadlaha ah iyo miisaaniyad sannadeedka hay’adda. q. Shaqooyinka kale ee lagama maarmaanka u ah shaqada hay’adda ee uu guddidu u igmado. 2) Agaasimuhu waxa uu xaqiijinayaa in xisaabta keydka maalgalin loogu sameeyo, si ay ku jirto danta Hay’adda Hawlgabku, iyada oo si cad guddidu u qeexayso dhammaan waxyaabaha muhiimka u ah maalgashigaas, laguna sheegay miisaaniyadda hay’adda. 3) Agaasimuhu waxa uu u soo bandhigayaa guddida siyasadaha, xeer-nidaamiyayaasha, habraacyada iyo hagayaasha la’xidhiidha codsiyada hawlgabka iyo bixinta xuquuqda hawlgabka si ay u ansixiyaan. 4) Agaasimuhu waxa uu diiwaannada Hay’adda Hawlgabka la’wadaagayaa hantidhawraha gudaha, waxaanu farayaa dhammaan shaqaalaha hay’adda in ay ka jawaabaan su’aalaha hantidhawrka. 5) Hantidhawrka guduhu wuu ka madax-banaanaanayaa agaasimaha, waxaanu toos u hoos tegayaa guddida. 6) Iyada oo la raacayo oggolaanshaha guddida, agaasimuhu waxa uu Hay’adda shaqaalaha Dawladda ka codsanayaa shaqaalaysiinta shaqaalaha muhiimka u ah fulinta shaqada Hay’adda Hawlgabka, si waafaqasan xeerka shaqaalaha dawladda. 7) Agaasimuhu waxa uu saxeexayaa lana soconayaa dhammaan dhaqdhaqaaga maaliyadeed, diwaannada, warbxinaha waxqabad iyo warbixinaha maaliyadeed. 8) Waxa uu hay’adda ku metelayaa shirarka. ; 9) Waxa kale 00 uu qabanayaa waajibaadka ama shaqooyinka kale ee guddidu u wakiisho.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-23

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
22Ask about this article24