Article 19
Qodobka 19aad
Original Somali text, quoted word for word
Hanti-dhawridda 1. Hay’adda, waa in uu seddex bilood kasta u gudbiyaa warbixin maaliyadeed, Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-dhawrka Guud. so( Ap Js) ONUESSAY °F ceneR™ 2. Hay’adda, laba bilood kaddib dhammaadka sannad maaliyadeedka waxa uu u gudbinayaa Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhawrka Guud warbixin maaliyadeedki sannadkii dhammaaday. 3. Hantidhawraha Guud waxaa uu si sannadle ah u baadhayaa xisaabaadka xafiiska, sidoo kale wuxuu baadhi karaa mar kasta 00 loo baahdo. 4. Dhammaan saraakiisha iyo shaqaalaha hay’addu waxa ay u ogolaanayaan hanti-dhawraha dhammaan buugaagta, qoraallada, heshiisyada, xisaabaadka, foojarrada iyo qoraallada kale ee hantidhawruhu muhiimka u arko ee la’xidhiidha baadhista warbixinaha maaliyadeed ee xafiiska, waxaanu hantidhawruhu ka dalban karaa qofka masuulka ka ah goraalladan, in uu ka jawaabo wixii su’aalo ah ee la’xidhiidha iyo inuu ka saxeexo warbixinta arrintaas la’xidhiidha, waxa kale oo uu qofkaa weydiin karaa hantidhawruhu wixil kale ee xog ah ee uu muhiim u arko. 5. Hantidhawraha Guud, waa inuu warbixintiisa ku sheegaa: b. In warbixinaha maaliyadeed loo diyaariyay, si waafaqsan halbeegayada warbixinaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo halbeegyada dalka u dejisan iyo in ay si caddaalad ah u muujiyaan macaamilka maaliyadeed ee hay’adda. t. In nidaam xisaabeedka xafiiska iyo hantida kale ee xafiiska loo keydiyey loona xafiday, si waafaqsan xeerkan iyo xeerarka kale ee khuseeya. 6. Nuqul ka mid ah warbixinaha maaliyadeed ee la baadhay iyo warbixin kasta oo uu sameeyay hantidhawraha baadhista sameeyay, waxa loo gudbinayaa Madaxweynaha, sidoo kalena iyada oo lagu daraayo warbixinta sannadlaha ah ee Hantidhawruhu u gudbiyo Golaha Wakiillada.