Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 18aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xisaabaadka iyo Diiwaannada 1. Hay’addu waxay diyaarin doontaa buug iyo diiwaan xisaabeedyo ku habboon, in si dhammaystiran loo geliyo oo loogu keydiyo xog xisaabeedka la’xidhiidha dhamman hawlaha iyo hantida xafiiska. 2. Hay’addu waxay siinaysaa hay’adaha ay khusayso xisaab celinaha, xisaabaadka iyo xogaha kale ee khuseeya hawlaha xafiiska.
Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-18