Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 17aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

War-bixinaha Xisaabaadka 1. Sannad maaliyadeedka xafiisku, waxa uu bilaabmayaa 1-da January waxaanu dhammaanayaa 31-ka December ee isla sannadka, sida ku xusan Xeerka Maamulka Maaliyadda Xeer Lr.75/2016. 2. Hay’addu, waa inay raacdaa nidaam xisaabeedka ay dejisay Wasaaradda Maaliyaddu ee xafliska Xisaabiyaha Guud, loona raacay Xeerarka Maamulka Maaliyadda Qaranka, sidoo kalena yeeshaa diiwaannada dhammaan macaamilkiisa iyo arrimihiisa maaliyadeed, waana in uu samaystaa wax kasta oo lagama maarmaan u ah in uu xaqiijiyo in dhammaan lacag bixinihiisa loo sameeyay loona amray si habboon iyo in si ku filan loo ilaaliyay hantida hay’addu gacanta ku hayso iyo kharashaadka ay gashay. 3. Dhammaan war-bixinaha maaliyadeed waa in ay noqdaan kuwo waafaqsan halbeegyada war-bixinaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo kuwo dalka u dejisan ee uu faahfaahinayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka Xeer Lr.75/2016. 4, War-bixinaha maaliyadeed ee sannad kastaa waa in ay noqdaan kuwo ka turjuma xaaladda maaliyadeed ee dhabta ah ee xafiiska iyo natiijooyinka shaqadii xafiiska ee sannadkaas.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-17
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
16Weydii qodobkan18