Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 16aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Awoodda deyn qaadashada 1. Hay’addu marka ay hesho ogolaanshaha Wasiirka Maaliyadda, waxay deyn ka qaadan kartaa bangiyada iyo hay’addaha kale ee maaliyadeed ee dalka gudihiisa damaanad iyo damaanad la’aan, si uu waajibaadkiisa uga soo baxo una fuliyo shaqooyinka, si waafaqsan qodobbada xeerkan. 2. Awoodda deyn qaadashada hay’adda ee ku xusan faqradda laad ee qodobkan waa in aan la fulin illaa wasiirka loo gudbiyo qorshe muujinaya. b. Xaddiga iyo faahfaahinta gorshaha deynta. t. Ujeeddada lacagta la amaahanayo loo isticmaalayo . j. Qaabka deynta lagu bixinayo hadhaw iyo x. Dhammaan wixii xog dheeraad ah ee uu u baahdo Madaxweynuhu. 10 AC KANKA AN wae )s)3 Cr SS 3. Wasiirka Maaliyaddu waxa uu dammaanad qaadayaa bixinta deynta ay qaadanayso, xafiisku si uu u fuliyo waajibaadkiisa shaqo marka Madaxweynuhu ogolaado, si waafaqsan qodobbada xeerkan. 4, Wasirka Maaliyaddu waxa uu siin karaa xafiiska kab, deeq ama dayn marka uu Madaxweynuhu ogolaado, haddii kabkan, deeqdan ama dayntani muhiim u tahay fulinta shaqooyinka xafiiska.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-16
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
15Weydii qodobkan17