Qodobka 15aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
1. Hay’addu waxay yeelanaysaa qoondo miisaaniyadeed oo uu ansixiyo Golaha Wakiillada oo ka mid ah miisaaniyadda qaranka, taas 00 laga bixin doono dhammaan lacagaha lagu daboolayo kharashaadka ay gasho, si uu u fuliyo hawlihiisa iyo waajibaadyadiisa shaqo ee uu xeerkani dhigayo. 2. Hay’addu waxa ay miisaaniyaddeeda sannadlaha ah u gudbinaysaa Wasiirka Maaliyadda, marka uu soo saaro wareegtada soo gudbinta miisaniyad sannadeedka. 3. Miisaaniyadda sannadlaha ahi waxa ay ka koobnaanaysaa: b. Faahfaahinta dakhliga iyo kharashaadka xafiiska, lana soo waafajiyay habraaca ay wasaaraddu dejiso. t. Faahfaahinta qaab-dhismeedka shaqaalaha iyo saraakiisha hay’adda. j. Qorshayaasha horumarinta xafiiska ee sannadlaha ah. x. Xog kasta 00 kale oo Wasiirka Maaliyaddu si gaar ah u tilmaamo, in lagu soo daro Muisaaniyadda.