Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 12aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Kulannada guddida iyo go’aannadooda 1. Guddidu waxay yeelanayaan kulamo caadiya iyo kuwo aan caadi ahayn. 2. Kulamada caadiga ah ee guddidu waxay qabsoomayaan saddexdii biloodba hal mar. Kulannada aan caadiga ahayn waxay qabsoomi karaan mar kasta 00 loo baahdo, waxaana soo jeedin kara guddoomiyaha ama 5 xubnood oo kale ugu yaraan. 3. Guddoomiyaha guddidu waa in uu gaadhsiiyaa muddada qabsoomidda kulanka toddoba cisho ka hor xubnaha guddida, maalinta qabsoomidda fadhiga. 4. Kulamada guddidu waxa uu ku qabsoomayaa marka ay joogaan ugu yaraan afar (4) xubnood. 5. Go’aannada guddidu, waxay ku ansaxayaan haldheeri xubnaha jooga, haddii tirada codadku isle’ekaadaan, guddoomiyaha ayaa leh cod dheeraad ah (casting vote).

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-12
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
11Weydii qodobkan13