Article 12
Qodobka 12aad
Original Somali text, quoted word for word
Kulannada guddida iyo go’aannadooda 1. Guddidu waxay yeelanayaan kulamo caadiya iyo kuwo aan caadi ahayn. 2. Kulamada caadiga ah ee guddidu waxay qabsoomayaan saddexdii biloodba hal mar. Kulannada aan caadiga ahayn waxay qabsoomi karaan mar kasta 00 loo baahdo, waxaana soo jeedin kara guddoomiyaha ama 5 xubnood oo kale ugu yaraan. 3. Guddoomiyaha guddidu waa in uu gaadhsiiyaa muddada qabsoomidda kulanka toddoba cisho ka hor xubnaha guddida, maalinta qabsoomidda fadhiga. 4. Kulamada guddidu waxa uu ku qabsoomayaa marka ay joogaan ugu yaraan afar (4) xubnood. 5. Go’aannada guddidu, waxay ku ansaxayaan haldheeri xubnaha jooga, haddii tirada codadku isle’ekaadaan, guddoomiyaha ayaa leh cod dheeraad ah (casting vote).