Xeer-nidaamiyaha Guddida Anshaxa Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 8aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Magacaabida xubnaha Guddida 1. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa soo xulaya isla markaana magacaabaya xubnaha Guddida Anshaxa, Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka marka uu la’ tashado daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha doorashooyinka. -4- 2. Marka la magacaabo, Guddida, fadhigooda ugu horeeya waxa lagu dhaarin doonaa dhaarta ku xusan xeer 91/2023. Isla fadhigaa, waxa ay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xog-haye. . 3. Fadhiga ugu horeeya ee Guddidu ku dooranayso Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xog-haye waxaa gudoominaya xubinta ugu da’da wayn marka laga reebo xubnaha sharaxan. 4. Xubinta shirka Gudoominaysaa cod malaha, haddii se codadka loogu codaynayo mid ka mid ah ama dhamaan Gudoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xog- hayuhu isleekaadaan gudoomiyaha ayaa codkiisa ku kala saaraya.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-guddida-anshaxa-xallinta-khilaafaadka-iyo-kormeerka-doorashooyinka/qodobka-8
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
7Weydii qodobkan9