Xeer-nidaamiyaha Guddida Anshaxa Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 7aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Shuruudaha Xubnaha Guddida. Xubinta Guddida ahi waa inay buuxiso shuruudahan hoos ku xusan; - 1. Waa inuu yahay/tahay muwaadin Somaliland u dhashay 2. Waa in aan da’diisu/da’deedu ka yarayn 40 sano. 3. Waa inuu leeyahay / leedahay aqoon heer jaamacadeed ugu yaraan ama khibrad maamul oo u dhiganta 10 sanadood ugu yaraan. 4. Waa in uu yahay/tahay qof sumcad wanaagsan ku leh bulshada. 5. Waa in uu yahay/tahay qof leh go’aan qaadasho, karti, aqoon iyo waayo-aragnimo uu ku gudan karo mas’uuliyadda culus ee la saaray, 6. Waa inuu yahay/tahay qof hufan, danta guud ka fekera, oo waxtar qiimo leh ku soo kordhin kara Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL. 7. Waa in aan dembi ciqaab ah oo maxkamad horteed kaga cadaadey ku dhicin shanti sano ee udanbaysay. 8. Waa inuu caafimaad ahaan gudan karaa xilka. 9. Waa in aanu si toos ah iyo si dadban midna uga tirsanayn Xisbiyada/Ururrada tartamaya. 10. Waa in aanu si toos ah iyo si dadban midna taageere u ahayn Xisbiyada/Ururrada tartamaya.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-guddida-anshaxa-xallinta-khilaafaadka-iyo-kormeerka-doorashooyinka/qodobka-7
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
6Weydii qodobkan8