Xeer-nidaamiyaha Guddida Anshaxa Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 17aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Kulamada Guddida 1. Guddidu waxay kulan yeelanaysaa todobaadkiiba laba jeer. Haddii arrimo degdeg ahi yimaadaan, Guddidu waxay codsan kartaa kulamo deg-deg ah. 2. Shirarka la xidhiidha arimaha degdega ah waxaa codsan kara Guddida lafteeda, daneeyayaasha doorashooyinka, ama Komishanka Doorashooyinka Qaranka, hase ahaatee midba waa inuu midka kale ogaysiis ku siiyo maalinta iyo saacada kulanku dhacayo, iyo ujeedada kulanka. 3. Waa in la diyaariyo warbixinta shirkasta oo dhaca loona gudbiyo Komishanka si loo diiwaangaliyo (meeting minutes). 4. Xubnaha Guddidu waa inay dhawraan wakhtiyada shirarka. 5. Shirarku waxay ku qabsoomaayaan kooram, go’aanadooduna waxay ku ansaxayaan aqlabiyad. 6. Shirarku waxay ka dhacayaan Xarunta Komishanka. Haddiise baahi lagama maarmaan ahi timaado in meel kale lagu qabto Guddida ayaa go’aaminaysa iyada oo la - 13 - tashanaysa KDQ, iyadoon waxba loo dhimayn hawlaha shaqo ee Guddidu u xilsaarantahay.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-guddida-anshaxa-xallinta-khilaafaadka-iyo-kormeerka-doorashooyinka/qodobka-17
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
16Weydii qodobkan18