Xeer-nidaamiyaha Guddida Anshaxa Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 2aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Eray-bixinta Komishanka: - Waxaa loola jeeda Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) oo u xilsaaran maamulida iyo ka garsooridda arrimaha doorashooyinka. Xisbiyada Qaranka: - Waxaa loola jeedaa saddexda Xisbi Qaran ee JSL, kuwaasi oo u tartamaya doorashada Madaxweynaha, Ku- xigeenka Madaxweynaha iyo doorashada tooska ah ee Xisbiyada Qaranka. Urur Siyaasadeed: - Waxaa loola jeeda Ururrada Siyaasadda ee ay Guddida Diiwaangalinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku u soo soo gudbiyeen Komishanka, kana qaybgalaya doorashada tooska ah ee Xisbiyada Qaranka. Guddi: - waxaa loola jeedaa Guddida Anshaxa, Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka. -1- Doorasho: - Xeer-nidaamiyahan, doorasho waxaa loola jeedaa doorashooyinka Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka ee KDQ u cayimay November 13, 2024. Wakiil Goboleed: - waxaa loola jeedaa wakiilo Guddida Anshaxa, Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinku ku yeelanayo gobolada. Daneeyayaasha Doorashooyinka: - waxa loola jeedaa, Xisbiyada Qaranka, Ururrada Siyaasadda, Bulshada Rayidka ah, Dawladda, iyo cid kasta oo si toos ah, iyo si dadban ugu lug leh arrimaha doorashooyinka.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-guddida-anshaxa-xallinta-khilaafaadka-iyo-kormeerka-doorashooyinka/qodobka-2
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
1Weydii qodobkan3