Xeer-nidaamiyaha Guddida Anshaxa Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 11aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Tallaabooyinka ay Guddidu ka Qaadi Karto Cidda ku Xad- Gudubta Xeerarka iyo geedi-socodka Doorashooyinka. 1. Iyada oo la tixgalinayo doorka Komishanku ku leeyahay Anshax-marinta ku Xadgudubka Xeerka iyo Habka Doorashooyinka ee u xusan qodobada 160aad, 161aad, haddii Dhinac ka mid ah dhinacyada Guddidu ku leedahay korjoogtaynta, ee ku xad-gudbay arrin ay hab-dhaqankeeda caddeeyeen Xeerarka doorashooyinka ama Xeerka Hab-Dhaqanka iyo Anshaxa Xisbiyada iyo Ururradu, waxay Guddidu ugudbinaysaa Komishanka si uu uga qaado talaabooyinkan anshaxmarineed ee hoos ku xusan. :- b. Digniin qoraal ah. t. Ka-joojin Xisbiga/Ururrka ama musharraxa/musharraxiinta, muddo cayiman ama si joogto ah, adeegsiga warbaahinta dawladda iyo tan madaxa bannaanba. j. Ka-joojin Xisbiga/Urur/Musharaxa muddo cayiman, in uu sameeyo kulammo dadweyne, bannaan-bax ama dhoollo-tus siyaasadeed, olole doorasho IWM. x. Ku rido ganaax idaari ah oo lacageed oon ka badnayn 100,000,000 (boqol milyan oo Shilinka Somaliland ah) Xisbiga/Ururrka. 5,000,000 (Shan milyan) Musharax kasta oo ah Musharaxa madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen. Sida ku xusan qodobka 22aad faqradiisa 3aad ee Xeer lr 91/2023 dhamaan ganaaxyada laga qaado Musharixiinta/Xisbiyada/Ururrada kala duwan ee u tartamaya doorashooyinka waxaa lagu shubayaa sanduuqa Doorashooyinka Qaranka JSL. -9- kh. Ka joojiyo ololaha doorashada qayb ahaan ama gabi ahaanba. d. Qaadista tallaabadii kale ee anshax-marineed ee Komishanka ugu muuqato in ay ku habboon tahay iyada oo loo raacayo xeerarka doorashooyinka. 2. Maalmaha KDQ mamnuuco isku socodka gaadiidka, gaaddiidka aan haysan ruqsada dhaq-dhaqaaqa ee KDQ, oo ay u cadaato Guddida inuu ku jiro olole aan waafaqsaneyn xeerarka doorashooyinka, habraacyada, iyo xeerka hab-dhaqanka iyo Anshaxa xisbiyada iyo urrurada Siyaasadda, Gudiddu waxay warbixintiisa u gudbin doonaan KDQ a si ay u xayiraaan socodkiisa uguna gudbiyaan Ciidanka amniga, 3. Gaadiidka Dawladda looma isticmaali karo ololaha Doorashada iyo maalinta Doorashada, qofkii lagu qabtana Guddidu waxay u gudbinaysaa warbixintiisa KDQ, si ay uga qaadaan talaabo sharciga waafaqsan. 4. Wasiirka ama sarkaalka kale ee dawladeed ee ku xad- gudba Xeerarka Doorashooyinka, Xeer- nidaamiyayaasha, Habraacyada, iyo Xeerka Hab- Dhaqanka iyo Anshaxa Xisbiyada iyo Ururrada, Guddidu waxay warbixintiisa ugudbinaysaa Komishanka si ay uga qaadaan tallaabada anshax- marineed ee ku haboon in laga qaado. Komishankuna talaabada uu qaaday wuxuu qoraal ahaan ku ogaysiinayaa cidii ay khusayso, waxaana Guddidu hubinaysaaa in go’aamadii Komishanka la fuliyey. 5. Mas’uulka ama hawlwadeenka Xisbi/Urur ee ku xad- gudba Xeerarka Doorashooyinka iyo Xeerarka ka farcama. Guddidu waxay ugudbinaysaa warbixiintiisa - 10 - Komishanka si ay uga qaadaan tallaabada anshax- marineed ee ku haboon in laga qaado. Komishankuna wuxuu qoraal ahaan ku ogaysiinayaan Xisbiga/Ururrka talaabada uu qaaday, iyo cidii kale ee ay khusayso, waxaana Gudiddu hubinaysaa in go’aamadii Komishanka la fuliyey. 6. Masuulka, hawl-wadeenka Xisbi/Urur, taageere Xisbi/Urur , iyo musharaxa ay ku cadaato in uu ku kacay falal wiiqi kara amniga, nabad-gelyada, ama sameeya abaabul hubaysan, ama kicin dadweyne, ama lagu helo haddalo fitno abuuraya, dadka kala fogeynaya oo ku dhisan nacayb, shakhsi weerar, caytan, qabyaalad iyo kicin taasi oo saamayn ku yeelanaysa habsami usocodka doorashada muddada lagu jiro doorashooyinka, waxa Komishanku ka qaadayaa talaabo anshax marineed oo deg-deg ah, waxaana lagu wargalinayaa cida ay khusayso. 7. Guddidu waxay ku baahinaysaa warbaahinta xad- gudub kasta oo ay cidi kula kacdo Xeerarka Doorashooyinka, Xeer-nidaamiyayaasha, Habraacyada, Xeerarka Hab-Dhaqanka iyo tallaabada anshaxmarineed ee Komishanku ka qaaday, si looga waantoobo.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeer-nidaamiyaha-guddida-anshaxa-xallinta-khilaafaadka-iyo-kormeerka-doorashooyinka/qodobka-11
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
10Weydii qodobkan12