Qodobka 10aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Awooddaha Guddida Anshaxa, Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka. Guddidu waxay u awood u leedahay: 1. Xallinta Khilaafaadka b. Xallinta khilaafaadka iyo murannada la xidhiidha arimaha doorashooyinka, iyo khilaaf kasta oo ka dhex- dhasha dhinacyada saxeexay Xeerka hab-dhaqanka iyo Anshaxa Xisbiyada iyo Ururrada. t. Dhexdhexaadinta muranada u dhaxeeya daneeyayaasha doorashooyinka. Muranadaas oo noqon kara qaar u dhaxeeya Axsaabta Qaranka, Ururada Siyaasadda, cod- bixiye iyo Xisbi/Urur, ama muranada udhaxeeya xisbi iyo urur, iwm (Mediation). J. In ay u garqaadaan daneeyayaasha doorashooyinka si loo xaliyo muranada arimaha la xidhiidha doorashooyinka (Arbitration). 2. Anshaxmarin iyo Kormeer. Guddidu waxay awood u leedahay inay ka gacan siiyaan Komishanka hannaanka Anshaxmarinta. Iyo kormeerka in si habsami ah loo fuliyay xeer-anshaxeedka doorashooyinka iyo in ololaha doorashooyinka loo fuliyo si waafaqsan xeerarka dalka. b. Ilaalinta ku dhaqanka Xeerarka Doorashooyinka, Xeerarka hab-dhaqanada sida Xeerka Hab-dhaqanka iyo Anshaxa Xisbiyada Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda, Xeer-hoosaadada, iyo Xeer- nidaamiyayaasha Komishanku soo saaro. -6- t. Korjoogtaynta jadwalka kaltanka maalmaha ololaha doorashada, ee ay soo saaraan Komishanka Doorashooyinka Qaranku. j. ka gacansiinta Komishanka hannaanka lagu anshaxmarinayo Xisbi/Urur/Musharax kasta oo ku xadgudba jadwalka ololaha doorashooyinka iyo arrimaha kale ee doorashooyinkaba. x. Dabagalka, iyo la socodka jabinta shuruucda doorashooyinka, Xeer-nidaamiyayaashiisa, Xeer- hoosaadadiisa, iyo Xeer-anshaxeedadiisa. kh. Baadhida eedaymaha la xidhiidha rabshadaha iyo gafafka kale ee doorashooyinka. d. Ururrinta iyo falanqaynta caddaymaha la xidhiidha kiisaska anshaxmarinta. r. Qaadista hannaan anshax-marin oo Xeerarka doorashooyinka waafaqsan xad-gudub kasta oo Guddida ama Wakiilladeedu ogaadeen dhicitaankiisa. s. Hubinta in ciqaabaha lagu fuliyo wakhtiga ku haboon. sh. Tallaabada anshax-marineed ee Komishanku soo saaro ama qaaddaa wuxuu noqonayaa mid qaadashadiisu waajib ku tahay dhinacyada uu khuseeyo, si waafaqsan Xeerarka doorashooyinka, Xeerarka Hab-dhaqanada (Code of Conducts) iyo xeerarka kale ee dalka u yaala. 3. Maamulka Cabashooyinka Guddidu waxay awood u leedahay maamulka cabashooyinka iyaga oo u raacaya xeerarka doorashooyinka sida; - -7- b. Qabashada iyo baadhista cabashooyinka la xidhiidha arimaha doorashooyinka, cabashooyinkaas oo ka iman kara, daneeyayaasha doorashooyinka sida cod- bixiyayaasha, musharixiinta, Xisbiyada Qaranka, Ururada Siyaasadda iwm. t. Hubinta in cabashooyinka loo qabtay si daah-furan oo waafaqsan shuruucda doorashooyinka. j. Guddidu waxay samaysan doontaa hannaanka cabashooyinka loogu soo gudbinayo, iyo hannaanka Komishanka ay Guddidu ugu sii gudbinayso haddii arrinta laga cabanayaa noqoto mid ubaahan in talaabo anshaxmarineed laga qaado. x. Guddidu waa inay diiwaangeliso cabasho walba iyo xalka laga gaadhay una gudbisaa Komishanka si loo kaydiyo. 4. Warbixino b. Soo-saarista warbixino ku saabsan sida dhinacyadu ugu dhaqmayaan Xeerarka Doorashooyinka, Xeerarka Hab- Dhaqanada, Xeer-hoosaadada, Xeer-nidaamiyayaasha iyo guud ahaanba Geedi-socodka Doorashada. t. Guddidu waa inay u gudbiso Komishanka warbixinaha la xidhiidha go’aan kasta oo khilaafyada ay xalliyeen, muddo aan ka badnay saddex maalmood, arrimaha deg deg ahna waa in guddidu si joogta ah ugu wargeliyaan KDQ. j. Guddidu waa in ay doorashada ka dib diyaariyaan warbixin faah-faahsan oo la xidhiidha dhammaan shaqooyinkii ay soo qabteen, iyo cabashooyinkii iyo go’aamadii ay gaadhen si loo kaydiyo. -8-