Article 8
Qodobka 8aad
Original Somali text, quoted word for word
Qaab-dhismeedka Xafiiska 1) Qaab-dhismeedka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu waxa uu ka koobnaanayaa: b. Garyaqaanka Guud. t. Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud. J. Waaxo (departments) x. Qaybo (sections) hoostaga waaxaha iyo shaqaale kale. 2) Waaxaha uu xafiisku ka koobnaanayo waxa ka mid ah: b. Waaxda diyaarinta qabyo-qoraallada iyo dibu-eegista xeerarka. t. Waaxda latalinta sharciga. j. Waaxda dacwadaha madaniga iyo idaariga ah. x. Waaxda faafinta rasmiga ah. kh. Waaxda maamulka iyo maaliyadda 3) Waaxaha ku xussan faqradda 2aad ee qodobkan waa la kordhin karaa waana la yarayn karaa kolba sida shaqada xafiisku tahay.