Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 13aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Dhaarinta 1) Garyaqaanka Guud iyo Ku-xigeenkiisa waxa la marinayaa dhaarta sharciga ah muddo 30 cisho gudahood ah. Waxaana dhaarin doona Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland goob joog yahay. 2) Dhaarta ku xusan faqradda sare ee qodobkan waxay noqonaysaa dhaarta ku xusan qoddobka 129aad ee Dastuurka JSL.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-13
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
12Weydii qodobkan14