Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 5aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Ujeeddooynka aasaasidda Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda Ujeeddada loo aasaasaay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu waa in la helo xafiis dawladeed oo qaabilsan adeegyada sharci ee ay ka mid yihin: 1. Ka qayb qaadashada ama bilaabidda dacwadaha madaniga ah iyo kuwa idaariga ah ee ka furan maxkamadaha dalka ee ay hay’adaha dawladdu qayb ka yihin. 2. Kala talinta sharci ee dawladda iyo laamaheeda kala duwan si loo xaqiijiyo in tallaabooyinka la qaadayaa ay noqdaan kuwa sharciga waafaqsan. 3. Diyaarinta ama dibu’eegista qabyo-qoraallada xeerarka ay xukuumaddu curiso ee loo gudbinayo Golaha Wasiirrada (Cabinet) 4. Soo saaridda iyo faafinta xeerarka iyo qoraallada ay tahay in lagu daabaco faafinta si laamaha dawladda iyo dadwaynuhuba u helaan xeerarka dalka ee soo baxa. 5. Ku soo saarista faafinta rasmiga ah xeerarka ama wax ka beddellada xeer, 30 maalmood gudahood, kaddib markuu Madaxweynuhu saxeexo xeerarka ama wax ka beddellada xeer, haddii aan xeerarka ama wax ka beddellada xeer gudahooda lagu cayimin muddo lagu faafiyo xeerarka ama wax ka beddellada xeer oo ka duwan muddada ku xusan faqraddan.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-garyaqaanka-guud-ee-xukuumadda/qodobka-5
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
4Weydii qodobkan6