Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 14aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Darajada Shaqo 1) Darajo ahaan Garyaqaanka Guud ee Xukuumaddu wuxuu la siman yahay darajada Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxaana uu leeyahay mushahar derejada (A2) iyo gunnooyin la siman oo kuwa Xeer Ilaaliyaha Guud. 2) Ku/xigenka Garyaqaanka Guud wuxuu leeyahay mushahar derejada (A3) iyo gunnooyinka la siman Garyaqaanka Guud. 3) Garyaqaanka Guud iyo ku-xigeenka Garyaqaanka Guud looma oggola inuu qabto shaqo kale inta uu xilka hayo.