Xeerka Garyaqaanka Guud Ee Xukuumadda · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 22aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Warbixin Sannadeed 1) Garyaqaanka Guud waa inuu diyaariyaa warbixin sannadeedka shaqada Xafiiska dhammaadka sannad walba una gudbiyaa Madaxweynaha, warbixintaas oo ku salaysan wixii u qabsoomay, waxa u qorshaysan, tallaabooyinka muhiimka ah ee la’qabatay iyo wixii kale ee Madaxweynuhu amro. 2) Waxa kale oo uu xafiisku diyaarinayaa warbixin maaliyadeedka sannadlaha ah iyo warbixinaha maaliyadeed ee kale ee loo baahdo, si waafaqsan xeerarka maaliyadda isaga oo u gudbinaya hay’adaha ay khusayso.